Amb. Axmed Ciise Cawad, oo ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad ee xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2024- 2029 ayaa xalay marti ku ahaa madasha Daljir ee ka qabsoontay Hotelka Martisoor Garoowe.
Murashaxa wuxuu si guud uga hadlay xaaladda Puntland ee (25) sano ka dib. Mudane Cawad wuxuu xusay in Puntland gashay bog cusub iyo rubuc qarni kale, oo ay lagama maarmaan ah in la helo is beddel dhab ah, hoggaamin wanaagsan iyo siyaasad cusub, si loo hirgeliyo Puntland cusub,oo ay hagayso aragti cusub, howl gal iyo hiraal durugsan.
Amb. Cawad wuxuu xusay in la jooogo waqtigii dadkeenna iyo dalkeennu la jaan qaadi lahaa dunida kale ee horusocodka ah, ayna lagama maarmaan tahay in dadka la dhiso si loo soo saarno jiil cusub oo leh ilbaxnimo, han iyo himilo durugsan. Amb Cawad wuxuu caddeeyey in uu Puntland ka taabba galin doono nidaam dowladnimo oo rasmi ah, kaasoo ku salaysan hogaamin wanaagsan, oo ay tiir dhexaad u tahay, maamul wanaag ku qotoma sarreyn sharci, daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.
Mudane Cawad wuxuu si cad uga hadlay in Puntland iyo dowladda federaalka ay wax weyn ka dhexeeyaan, loona baahan yahay in laga gudbo is marin waaga hadda taagan, dhanka kale wuxuu si cad u sheegay in ay isku hal dal iyo hal dad la wada yahay, lana soo celiyo wada shaqayntii, wax walbana lagu dhameeyo is faham loo marayo waddada dowlad wanaagga.
Dhanka kale wuxuu caddeeyey in uusan ahayn xoola doon, dhaqan kaasna lahayn ee ay ka go’an tahay in uu doonayo in uu arko Puntland oo la saan qaaday dunida horusocodka ah, kaasoo ay keeni karaan koox howleed hagta siyaasadda Puntland.





You must be logged in to post a comment.