
Musharrax Madaxweynaha Puntland Abshir Cumar Huruuse ayaa caddeeyay mowqifkiisa arrimaha doorashada 2024 kadib go’aankii SSC-Khaatumo.
Bayaan ka soo baxay Musharrax Abshir Cumar ayuu ku caddeeyay in go’aanka isimada dhaqanka iyo Maamulka SSC-khaatumo ee soo baxay uu ahaa mid ay ku matalaan shacabka degaannadaasi.
Musharrax Abshir Cumar ayaa sidoo kale Xukuumadda Puntland iyo Musharrixiinta ugu baaqay in isu-gu yimaadan Shir wada tashi ah oo looga arrinsanayo sidii xal wadajir ah looga gaari lahaa kuraasta xubnaha laga soo doorto SSC.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay ku baraarugaan xaaladda siyaasadeed iyo marxaladda ay Puntland marayso oo ay ilaaliyaan Habraaca xulista Xildhibaannada Baarlamanka cusub.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.