Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Puntland oo talooyin sharci ka soo saaray go’aankii SSC

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Shiikh Cumar Xasan ayaa talo sharci ka soo saaray go’aankii isimada SSC-Khaatumo ee ku aaddanaa bixitaankooda Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in uu go’aankii isimada SSC uu ka dhiman yahay habraaca loo maro Heshiisyada iyo ka bixistooda kaas oo ah is waafajinta danaha dhinacyada uu khuseeyo go’aanka.

Avv. Axmed Shiikh Cumar ayaa soo jeediyay talooyin sharci oo la gudboon dhinaca Puntland maadaama SSC aysan go’aankooda soo gudbin wakhtigii ku habboonaa.

Talooyinka waxa kamid ah in doorashada Puntland dib loo dhigo inta hal loo helo go’aankii isimada SSC islamarkaana Khaatumo dammaanad qaado kharashkii doorashada ku baxay maadaama xaq loogu lee yahay Khasaaraha ka dhashay go’aankooda.

PUNTLAND POST