Wararkii u danbeeyay ee doorashada Puntland kadib go’aankii SSC-Khaatumo

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in aysan jirin wax isbeddel ah wakhti ah oo ku imaanaya jadwalka doorashada Puntland kadib go’aankii SSC.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Puntland go’aansatay in ay sii socoto doorashada islamarkaana aan wax dib u dhac ah ku imaan jadwalka doorashada 2024.

Xulista xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Puntland oo weli socota ayaa sidoo kale meel geba-gabo ah maraysa waxaana la filayaa in la dhammaystiro 24 saac ee soo socda.

Dowladda Punweli kama hadal mowqifkeeda go’aanka SSC-Khaatumo ku sheegeen in aysan gebi ahaanba cid iyaga ka socota ka qayb geli karin doorashada Puntland.

PUNTLAND POST