
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo saaray ku caddeeyay mowqifkiisa Arrimha doorashada Puntland ee 2024.
Bayaanka oo uu warbaahinta u akhriyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayuu ku caddeeyay in aysan haba yaraatee qayb ka ahayn doorashada Puntland.
“Ma jiri doono qof degaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee dowladda Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka SSC maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale bayaankiisa ku yiri”Cid walba waxaan ugu baaqaynaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo”.
Maamulka SSC ayaa sidoo kale bogaadiyay tallaabadii isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ku go’aamiyeen in aan gebi ahaanba laga qayb geli karin doorashada Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.