Taliye Marduuf “Qofkii danbe ee gaari dhaca bartiisa lagu toogan”

Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa sheegay in qofkii danbe ee gaari dhaca bartiisa lagu toogan doono si loogu cibro qaato.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo xalay si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa ku hanjabay tallaabadaasi.

Taliyaha oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa dhinaca kale ka warbixiyay gaari xalay laga dhacay magaalada Garoowe kaas oo markiiba ciidanka Boolisu gacanta ku soo dhigay.

G/sare Marduuf ayaa sheegay in markiiba lagu guulaystay gaariga islamarkaana lagu wareejiyay shakhsigii laga dhacay.

PUNTLAND POST