SSC-Khaatumo oo Sabtida ku dhawaaqaya in aysan qayb ka ahayn doorashada Puntland

Mas’uuliyiinta Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Sabtida ku dhawaaqaya in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn doorashada Puntland sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Mas’uuliyiinta Maamulka iyo isimada dhaqanka ayaa saacadihii la soo dhaafay shirar kala duwan ka yeeshay sida laga yeelayo xulista xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto SSC-Khaatumo.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta SSC ugu danbayntii go’aansadeen in aysan wax xildhibaanno ah u dirsan doorashada Puntland si looga baaqsado khilaaf ka dhasha arrintaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in SSC-khaatumo ay Sabtida berri ah soo saarayaan bayaan lagu caddaynayo in aysan waxba ku darsan doonin doorashada Puntland islamarkaana aysan cidna ku matalin.

PUNTLAND POST