
Hoggaanka sare ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo Isimada dhaqanka degaankaasi ayaa Jimcaha berri ah shir wada-tashi ah uga furmi doonaa magaalada Laascaanood.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka iyo Isimada dhaqanka SSC ay maalinta berri ah shir wada-tashi ah ku yeelan doonaan Laascaanood.
“Berri oo Taariikhdu tahay 22 December 2023 waxaa Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood uu kulan wadatashi ah uga furmi doonaa Hoggaanka Sare ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo Isimmada Dhaqanka deegaanka”.
“Kulankaas oo lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee saamaynta ku leh Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axned Aw Cali (Firdhiye).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.