Qaar kamid ah Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay is-bahaysi cusub

Shan kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Nairobi kaga dhawaaqay is-bahaysi siyaasadeed oo cusub.

War-saxaafadeed ka soo baxay musharrixiinta kala ah; Axmed Ciise Cawad, Aadan Shiikh Doon, Faarax Cali Shire,  Cali Xaaji Warsame iyo Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa lagu shaaciyay is-bahaysiga cusub.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ujeedka is-bahaysigan uu yahay in la xaqiijiyo doorasho nabdoon oo natiijadeeda lagu wada qanacsan yahay in ay ka qabsoonto Puntland 2024.

Is-bahaysiga ayaa sidoo kale ugu baaqay musharrixiinta iyo odayaasha dhaqanka in ay qayb ka noqdaan isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Puntland.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST