Maraykanka bilaabay barnaamij fududaynaya keenista Qaxooti cusub

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay dalbadaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Sarah Cross, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xogheynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wareysi ay siisay Reuters ku sheegtay, in muwaadiniinta Mareykanka ay doonayaan in ay caawiyaan qaxootiga isla markaana kafaalo-qaadka uu sidaasi ku fududaa doono.

PUNTLAND POST