
Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixisay hannaan cusub oo 3 sano ah oo taageero maaliyadeed oo dhan 100 milyan oo Dollar lagu siinaayo Dowladda Soomaaliya.
Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).
Inkasta oo ay Soomaaliya horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada.
Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.