Puntland oo gacanta ku dhigtay in ka badan 20 ajaanib ah oo ka tirsan Daacish

Ajaanibta ka tirsan Daacish ee lagu qabanayo hawlgallada ka socda gobolka Bari ayaa marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Laamaha Amniga Puntland ayaa in ka badan 20 xubnood oo ajaanib ah Daacish ah ku qabtay hawlgalladii muddooyinkii u danbeeyay ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ajaanibtan ayaa isugu jira Itoobiyaan, Sudaanis, Marooko, Yemen iyo kuwa u dhashay dalal kale kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu hayo.

Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa noo sheegay in baaritaan ku socdo ajaanibta gacanta lagu hayo loona gudbin doono maxkamad si sharciga loo mariyo.

PUNTLAND POST