Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Abwaan Cabdirashiid ayaa heshiis ka gaaray Khilaafkii Arrimaha doorashada.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saddexda mas’uul ka heshiiyeen Murankii ka taagnaa Arrinta doorashada 2024.
Madaxda ayaa ku heshiiyay in Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.