Guddiga Amniga doorashada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray go’aanno lagu xoojinayo Amniga guud.
Awaamiir ka soo baxday guddiga ayaa lagu mamnuucay in gebi ahaanba wax hub ah lagu dhex qaato magaalooyinka Puntland inta lagu jiro wakhtiga doorashada.
Musharrixiinta u tartamaya doorashada Puntland ayuu sidoo kale guddigu ka mamnuucay in ay wax gaadiid dagaal ah ku dhex maraan caasimadda Puntland ee Garoowe.
Laamaha Amniga Puntland ee dhammaan Gobollada iyo degmooyinka ku sugan ayaa sidoo kale lagu amray in ay xoojiyaan Amniga guud.
Halkan ka akhriso go’aannada guddiga
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.