
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta shir jaraa’id ku qabanaya magaalada Garoowe.
Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu ka hadli doonaa xiisadda ka taagan xarunta Baarlamanka oo ay xalay la wareegeen ciidanka PMPF.
Madaxweyne hore Faroole ayaa sidoo kale ka warbixin doona dadaalladii uu dhawaanahan waday ee la xiriiray xallinta muranka ka taagan guddiga magacaaban ee ansixinta Baarlamanka cusub.
Dhinaca kale guddiga lagu muransan yahay ee xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa goor dhaw tegay xarunta golaha wakiilada si ay u bilaabaan shaqadooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.