Mucaaridka hubaysan ee Puntland oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisada xarunta Baarlamanka

Siyaasiyiinta Mucaaridka hubaysan ee ku sugan caasimadda Garoowe ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah maanta ka yeeshaan xaaladda ka taagan xarunta Baarlamanka.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Mucaaridka ah isugu imaan doonaan shir ku saabsan sida looga falcelinayo arrinta ka jirta xarunta golaha wakiilada oo ay xalay la wareegeen ciidamo gaar ah.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in Mucaaridku ay si adag u diidan yihiin tallaabadan uu qaaday madaxweyne Deni ee ciidanka ku geliyay xarunta Baarlamanka.

Ciidamada la wareegay xarunta ayaa lagu amray in la shaqeeyaan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada oo dowladdu sheegtay in uu saaka ka shaqa bilaabayo halkaasi.

PUNTLAND POST