Guddoomiye Cabdirashiid oo bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in ciidamo si toos ah uga amar-qaata Madaxweyne Deni ay la wareegeen xarunta golaha kuwaas oo is hor taag ku sameeyay shaqa-maalmeedkii Baarlamanka.

Madaxweyne Deni ayuu sidoo kale ugu baaqay in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.

Guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in ay sii socoto xiisadda ka taagan xarunta Baarlamanka si aysan u sababin qalalaase Amni.

Halkaan ka akhriso bayaanka

PUNTLAND POST