Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo saarto go’aanno ku saabsan sugidda Amniga doorashada 2024.
Guddiga Amniga doorashada oo shalay shir gaar ah ku yeeshay Garoowe ayaa sida la sheegayo dejiyay qorshe dhammaystiran oo la xiriira sugidda Amniga doorashada.
Guddigu wax faahfaahin ah kama bixin qorshadooda sugidda Amniga doorashada waxaase wararku sheegayaan in ay soo saari doonaan go’aanno amni.
Xubnaha guddiga ayaa ka kooban dhammaan mas’uuliyiinta sare ee Amniga Puntland oo ay ku jiraan taliyaasha kala duwan ee ciidamada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.