Dagaal beeleed culus oo ka socda galbeedka gobolka Sanaag

Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka ka socda degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore saaka oo Jimce ah ayaa dhexmaraya laba beelood oo marar hore ku dagaallamay degaankaasi Dararweyne.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo uu sababay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Colaadda beelaha ayaa sannadihii u danbeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne.

PUNTLAND POST