Xulista Baarlamanka cusub oo si xawli ah uga socota Puntland

Xulista xildhibaannada Baarlamanka cusub ayaa si xawli ah uga socota guud ahaan degaannada Puntland.

Beelaha kala duwan ee reer Puntland ayaa xulanaya xubnihii ku matali lahaa Baarlamanka shanta sano ee soo socota (2024-29).

Wararka ayaa sheegaya in durba la soo xulay qaar kamid ah xildhibaannada cusub islamarkaana dhawaan loo gudbin doono guddiga xallinta Khilaafaadka.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah ah u bilaabo shaqadiisa ansixinta xildhibaannada cusub.

PUNTLAND POST