
Qaar kamid ah Mushaarixiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Deni.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen musharrixiinta qaarkood ayay ku diideen guddiga xallinta Khilaafaadka oo ay ku tilmaameen kuwa aan dhex-dhexaad ahayn.
Waxay sheegeen in xubnaha guddiga xallinta Khilaafaadka ee la magacaabay lagu saleeyay qaraaba-nimo iyo xubno ka tirsan xisbiga xukuumadda ee Kaah.
Musharrixiinta ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna aqbali doonin in boob lagu sameeyo xulista xildhibaannada cusub Baarlamanka Puntland.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.