
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa gebi ahaanba ka horyimid guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Deni.
Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan kooban oo soo saaray ku diiday guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee 2024.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddiga uu magacaabay Madaxweyne Deni aysan ahayn kuwa qaban kara doorasho hufan oo dhammaan dhinacyadu ku kalsoonaan karaan.
“Waxaan caddaynaynaa in guddigaasi aanu jidaynayn doorasho hufan oo ay ku kalsoonaan karaan musharrixiinta tartamaya” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaar kamid musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid guddiga oo ay ku tilmaameen kuwa aan dhex-dhexaad noqon karin.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.