Musharrax Madaxweynaha Puntland Axmed Siciid Aw Nuur ayaa soo dhaweeyay Guddiga Xallinta doorashada ee uu magacaabay Maxaxweyne Deni.
Bayaan kooban oo uu soo saaray Musharrax Axmed Siciid Aw Nuur ayuu ku soo dhaweeyay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).
“Waxaan soo dhoweynayaa guddiga xalllinta khilaafaadka oo Madaxwenuhu magacaabay” ayuu Musharrax Axmed Siciid ku yiri bayaanka uu soo saaray.
“Waa rag odayaal ah oo reer puntland ah waxaan ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo masuuliyad da loo magacaabay xilkoodana ay si hufnaan iyo daacadnimo leh u gataanayaan ilaah uga baryayaa” ayuu sii raaciyay bayaankiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.