Madaxweyne Deni oo shaacinaya guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhammaystiray liiska xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo uu shaacin doono saacadaha soo socda.

Guddiga ayaa sida la sheegayo badan xubno ka tirsanaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo xubno laga keenay guddigii doorashada ee PEC.

Xubnaha diyaarsan oo liiskooda la shaacin doono ayay qaarkood si weyn siyaasadda isugu hayaan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in la filan karo dhinaca Mucaaridku in ay diidmo ka muujiyaan guddiga maadaama ay ku jiraan xubno ay aad isu hayaan.

PUNTLAND POST