Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo gebi ahaanba laashay mudda kororsigii Baarlamanka

Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba hadda laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.

Sida ku qoran warqadda aan helnay, maxkamaddu ma kala dirin Baarlamanka, balse waxay go’aamisay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto arrinta Baarlamanka.

PUNTLAND POST