
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo ayaa Todobaadkan ku wajahan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka SSC ayaa markii u horraysay tegaya Buuhoodle tan iyo intii loo doortay xilkaan.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaannada Gobolka Cayn ee ka baxsan Buuhoodle gaar ahaanna Jiidda Qorilugud oo ay fadhiyaan ciidamada difaaca SSC.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaamiyuhu uu shirar kala duwan la yeelan doono Bulshada magaalada Buuhoodle iyo guud ahaan Gobolka Cayn.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.