
Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa mudda laba maalmood ah fadhiya degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.
Ciidamada gadoodsan ee ka cabanaya xuquuq la’aanta ayaa joojiyay isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.
Saraakiisha hoggaaminaya Ciidanka ayaa laga soo xigtay in aysan wax mushaar ah qaadan in mudda waxaana ay dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda maqan si ay jidka u furaan.
Dowladda Puntland gaar ahaanna Taliska Ciidamada Daraawiishta weli kama jawaabin cabashada xuquuq la’aanta ee ka imaanaysa ciidanka gadoodsan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.