
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada 2024.
Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Madaxweyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muransanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqbalay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.
Ex. Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale bogaadiyay Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay Xal u helidda Khilaafkii doorashada Puntland ee 2024.
Waxa uu sheegay in wada-hadal lagu dhammaynayo khilaafaadka weli jira ee dhinaca doorashada taas oo sida muuqata uu ula jeedo Muranka la dhashay sannadka mudda kororsiga ah ee uu Baarlamanka Puntland samaystay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.