
Waxaan dib u-sixid ku samaynay warkii ku saabsanaa is casilaadda wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse.
Xaqiijin kadib waxan ogaanay in aanu is casilayn wasiir Huruuse balse uu ku biiri doono musharrixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2024.
Ololaha doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa si toos ah u bilowday kadib markii ay meesha ka baxday hubanti la’aantii ka jirtay hannaanka loo qabanayo doorashada.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa habeen ka hor sheegay in lagu laabtay hannaankii hore ee doorashada 66-da taas oo soo afjartay khilaafkii in mudda ah ka taagnaa Arrimaha doorashada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.