
Siyaasiga Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqo musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.
Mudane Axmed Siciid oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowladda Puntland ayaa saaka sheegay in uu u tartamayo xilka Madaxweynaha doorashada soo socota ee 2024.
Qoraal kooban oo uu sii daayay ayuu ku caddeeyay in Todobaadka soo socda uu shaacin doono Musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Puntland.
“Waxaan bulshada Puntland iyo Sooomaali labadaba ku wargelinayaa inaan asbuuca soo socda ku dhawaaqi doono/ shaacin doono Musharaxninadayda xilka Mdaxwexnaha ee dawladda Puntland 2024”.
“Xaflad aan qaban qaabadeeda ku hawlanahay ayaan hawshaas kaga dhawaaqi doonaa si Rasmi ah inshaalaah” ayuu qoraalkiisa ku sheegay siyaasi Axmed Siciid Aw-Nuur.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.