
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka hoygiisa ku qaabilay xildhibaannada laga soo doorto SSC-khaatumo.
Madaxweyne ku xigeenka iyo xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee laga soo doorto degaannada SSC ayaa hadda shir gaar ah uga socda guriga madaxweyne ku xigeenka.
Wararka ayaa sheegaya in Kulanka looga hadlayo Xaaladda Siyaasadeed ee wakhtigan taagan balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo saaka Baarlamanku ansixiyay go’aankii Isimada SSC-khaatumo ku xalliyeen khilaafkii doorashada Puntland ee ahaa in Baarlamanka hadda jooga qabto doorashada madaxtooyada.
Geesta kale madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay sheegay in doorashada lagu galayo sidii hore 66-ka balse xildhibaanno cusub la soo xulayo si ay u doortaan madaxweynaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.