Isimada SSC-Khaatumo oo go’aan rasmi ah ka soo saaray khilaafka doorashada Puntland

Isimada SSC-Khaatumo oo ku hawllanaa dhex-dhexaadinta xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa maanta go’aan rasmi ah ka soo saaray Khilaafka ka taagan Arrimaha doorashada 2024.

Bayaan ka soo baxay Isimada SSC ayaa lagu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024, islamarkaana Baarlamanka hadda jooga doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub.

Isimada SSC-khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in Baarlamanka Puntland ee hadda jooga loo sameeyo mudda kordhin 12 bilood ah, kadibna Baarlamanka xiga lagu doorto Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, si loo dhammaystiro Barnaamijka Dimuqoraaddiyadda.

Ugu danbayn, Isimada SSC ayaa Go’aankooda ku geba-gabeeyay in Xukuumadda cusub ee la doorto 8 Jan 2024 ay dhammaystirto Hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo guddiga PEC loogu baaqay in ay qabtaan doorashada saddex degmo ee weli harsan.

PUNTLAND POST