Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe oo mushaar la’aan ku dhacday

Mushaar la’aan ayaa sida wararku caddaynayaan soo food-saartay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in shaqaalaha kala duwan ee degmada Garoowe aysan wax xuquuq iyo mushaar ah helin bilihii u danbeeyay.

“Mushaar la’aanta ka jirta meesha ayaa niyad-jab ku keentay shaqaalaha maadaama aysan garanayn sababta loo siin waayay xuquuqdoodii” sida aan ka xigannay ilo wareedyo madax-bannaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta degmada Garoowe aysan weli caddaynin waxa sababay mushaar la’aanta soo wajahday shaqaalaha dowladda hoose.

PUNTLAND POST