Ganacsade ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo saaka lagu dilay magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in halkaasi saaka lagu dilay ganacsade ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ganacsade Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay bartamaha Boosaaso sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka la dilay uu kamid ahaa hoggaanka bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka saaka ayaa imaanaya todobaad kadib markii Boosaaso lagu dilay Alle ha u naxariistee Khadar Cabdi Cali oo kamid ahaa dhalinyarada ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida DDS ee ku nool gobolka Bari.

Laamaha Amniga Boosaaso ilaa iyo hadda kama hadlin dilka labada marxuum islamarkaana lama sheegin cid loo soo qabtay dilkooda.

PUNTLAND POST