
Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo saaka ka dhacay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka argagixisada AS.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in hawlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah islamarkaana laga fuliyay tuulada Hilow Bacaad oo wax yar u jirta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka As ayaa lagu dilay hawlgalka waxaana lagu burburiyay saanad ciidan iyo gaari dameero ay saaran yihiin hub iyo walxaha qarxa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladds Federaalka Soomaaliya.
“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan”.
“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.