
Ciidamada badda ee Midowga Yurub howlgalkiisa ilaalinta Xeebaha EUNAVFOR Ayaa ku wareejiyay ciidamada badda Puntland ee PMPF Burcad dhawaan qafaalatay Dooni Kaluumeysi oo lagu magacaabo AL-MERAJ1 taas oo ay ciidamada badda Midowga Yurub gacanta ku soo dhigeen doonidii iyo kooxdii afduubka geystay.
Kooxda afduubka geystay ayaa badda waxaa kaga goostay laba saxiimadood oo ay wateen kuwaas oo ay doonayeen inay ku eryadaan gadiid badeedka maraya Xeebaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya.
Midowga Yurub ciidankiisu ma sheegin tirada rasmiga ee howlgalka lagu qabtay balse doontii iyo shaqaalihii saarnaaba waxaa lagu wareejiyay ciidamada Badda Puntland.
Doonidan AL-MERAJ1 waxaa ay wadataa calanka Iran waxayna ka mid tahay doonyaha shatiga ka haysta Puntland ayna masuul ka yihiin ganacsato Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.