Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ay deris ka yihiin ee ka soo jeeda dhinaca Somaliland.
Bayaan ka soo baxay golaha dhaqanka SSC ayay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin nabad iyo deris wanaag, islamarkaana beelaha bariga Burco ugu baaqayaan nabad iyo walaalnimo.
Bayaanka odayaasha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii beesha Habar-jeclo ee ka qabsoomay magaalada Burco, kaas oo lagu sheegay in aysan weerar ku ahayn dhulka SSC-khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.