
Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobey ayaa xalay ka qaaday Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarreyd.
Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Hassan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul waaare Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba soo dhoweeyey go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u heli doonto in ciidanka lagu qabalabeeyo hub casri ah, islamarkaana ciidanku awood u helayaan in ay ka guuleystaan Argagixisada uu sheegay in wixii hadda ka dambeeyo loo adeegsan doono Hub casri ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday” ayuu yiri Xasan Shiekh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.