Soomaaliya oo la filayo in Maanta laga qaado Cunaqabataynta Hubka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah u codeynaya qaadista xayiraadda Hubka ee saaran dowladda Soomaaliya.

Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo joojiyo qulqulka hubkii ay helayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka.

Xubnaha 15-ka ah ee golaha ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay ansixiyaan laba qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta.

Mid ka mid ah qaraarada ayaa ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan, halka kan kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran maleeshiyaadka Argagixisada ah ee AS.

PUNTLAND POST