
Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger ayaa xalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir.
Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.
Mr. Henry Kissinger ayaa ahaa diblamaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda dibadda Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu sidoo kale wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka.
Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.