
Soomaaliya oo Ruushka kala wareegtay Gargaar loogu talo galay Dadka ay sameeyeen Roobabka
Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey Argagixisada.
Markabka siday gaargaarkan ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda Magalada Muqdishu,halkaas oo ay gargaarkan kula wareegeen Hay’addaha ku shaqada leh.
Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti oo wakiil ka ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal,islamarkaana bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.
‘’ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda kaga mahadcelisay Dowladda Ruuska iyo safiirkeeda deeqdan gargaarka ah oo ku soo aadday xilli loo baahnaa.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnadda gargaarka ah ayaa dhanka ka dalbaday xukuumadda Moscow in ay inoogu deeqaan diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.
”Runtii maanta sharaf weyn bey noo tahay inaan halkan ku guddoono shixnaddan weyn oo tii ugu weyneyd oo gargaar ah oo ayaamahan dambe Soomaaliya soo gaarta oo naga soo gaartay Dowladda Ruushka oo uuna wakiil ka yahay safiirka Soomaaliya iyo Jabuuti u fadhiya Ruuska” ayuu yiri wasiir Fiqi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.