Israa’iil oo hal maalin ku kordhisay Xabbad-joojintii Marinka Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay in ay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale.

Bayaan  kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Israa’iil ayay ku sheegeen in xabbad-joojinta lagu kordhiyay maalin dheeri ah.

“Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintii hore ee labada dhinac.

PUNTLAND POST