Maraykanka oo gargaar bini’aadanimo u diray Marinka Gaza kadib Xabbad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas

Mareykanka ayaa u soo diray Masar saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay oo gargaar bini’aadannimo u wada Gaza.

Maraykanka ayaa  ballan-qaaday in uu caawinayo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil oo xulafada la ah Mareykanka.

Duulimaadyada gargaarka ee siday cunnada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan bilowgii dagaalka.

Duulimaadyada ayaa billowday maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza.

PUNTLAND POST