Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay magacaabay guddi qaabilsan Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana dowladda ku matali doona Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Puntland

Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay “baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada  taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod”.

Magacyada guddiga ayaa kala ah:

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).
3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..
4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .
5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).
6.  Xassan  Yuusuf Majabe (Xubin).
7. Xassan Caballa Xassan  Xubin.

PUNTLAND POST