Booliska gobolka Doollo oo qabtay nin ku eedaysan in uu gaari ka dhacay degmada Bursaalax

Booliska gaarka ah ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka DDS ayaa ku guulaystay qabashada Saadaq Cabdicasiis Nuur oo ku eedaysan in uu gaari Leyla-calaawi ah ka dhacay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa xaqiijiyay in saacado yar kadib  gacanta lagu dhigay eedaysanaha oo xalay dhaca geystay islamarkaana lagu hayo degmada Gallaadi.

“Waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Gobolka Doollo DDS oo ku guulaystay qabashada Eedaysanwe Saadaq Cabdicasiis Nuur oo ku eedaysane dhac Gaari Land Cruser ah oo uu ka gaystay Gobolka Mudug Gaar ahaan Dagmada Bursaalax”.

“Taas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay Maamulka iyo Ciidamada Gobolka Doollo ee DDS oo  markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

PUNTLAND POST