Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo laga saaray ajandaha Baarlamanka Puntland ee saaka oo Axad ah

Ajandaha fadhiga Baarlamanka Puntland ee saaka oo Axadda ah ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka doorqshooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

” Ajandaha Fadhiga waa laga tuuray qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, laguma soo qaadi doono gebi ahaanba” sidaas waxa noo caddeeyay ilo wareedyo dhawrsan.

Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada Baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaridka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

PUNTLAND POST