Israa’iil iyo Xamaas oo is weydaarsaday maxaabiis

13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee saaka oo Axad ah gaaray Isra’iil, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.

Israa’iill ayaa dhankeeda sii daysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saakay aroortii hore gaaray Daanta Galbeed.

Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaareen Israa’iill iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israa’iil ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.

PUNTLAND POST