Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa si rasmi ah maanta u caddeeyay mowqifkooda hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Puntland ayay ku taageereen in la dhammaystiro hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod oo lagu qabto doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada Puntland ee 2024.
Waxay sheegeen in ay u taagan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda si xor iyo xalaal ah, si loo dhammaystiro hannaanka dimuqoraaddiyadda Puntland, waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay diyaar garoobaan diiwaan-gelinta doorashada.
Xisbiyada ayaa sidoo kale ku baaqay in tartanka iyo loollanka siyaasadda Puntland uu noqdo mid ku dhisan nabadgelyo lagana dheeraado siyaasad hubaysan iyo mid beelaysan, si looga baaqsado wax dhibaato amni iyo xasilooni-darro keeni kara.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.