
Maleeshiya-beeleed dhawaan ku dagaallamay degaanka Sheerbi oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa lagu guulaystay in la kala qaado sida ay wararku xaqiijinayaan.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Bari iyo Karkaar oo kaashanaya waxgaradka labada dhinac ee dagaallamay ayaa sida lagu soo warramayo ku guulaystay in la kala qaado maleeshiyaadka.
Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxgaradka labada beelood ku qanciyay in gogol nabadeed loo dhigo magaalada Carmo ee gobolka Bari si loo hirgeliyo xabbad-joojin islamarkaana loo dhammaystiro nabadaynta.
Amniga degaanka Sheerbi ayaa sidoo kale waxa weli gacanta ku haya cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo la kala dhex dhigay beelaha dagaallamay inkastoo laga bara-kacay degaankaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.