Togdheer: Dagaal u dhexeeya Ciidamada SSC iyo Somaliland oo ka qarxay jiidda Qorulugud

Wararka ka imaanaya jiidda Qorulugud ee gobolka Togdheer ayaa xaqiijinaya in uu halkaas ka socdo dagaal xooggan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad qabiil ay weerara ku soo qaadeen ciidamada SSC oo ku sugan nawaaxiga balliga Maygaagle.

Dagaalka labada dhinac ayaa hadda ka socda inta u dhexaysa Qorulugud iyo balliga Maygaagle halkaas oo laga maqlayo hugunka rasaasta iyo dhawaqa hubka culus.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada SSC durba gacanta ku dhigeen maxaabiis dhaawacyo qaba halka ay gubeen laba kamid ah gaadiidka dagaalka Somaliland.

Labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo midna weli kama hadal dagaalka wakhtigan ka socda jiidda Qorulugud oo bilowday saacado kadib dagaalkii Buq-dharkayn.

PUNTLAND POST